Ilmahaagu ma u baahan yahay in laga caawiyo xisaabta; sayniska, qoraalka ama duruusta kale ee dugsiga? Wakhtiga shirka waalidka iyo macalinka, Seattle Public Library waxa uu iminka bixinayaa waxbarasho maqal iyo muuqaal ah oo arday-arday ah oo bilaash ah oo uu ku bixiyaa Tutor.com oo loogu talo geley da'yarta Seattle ee fasalada K ilaa 12. Duruusta tooska ah waxaa ay jiraan maalin kasta waxaana lagu bixinayaa sadex luuqadood: Ingiriisi, Isbaanish iyo Fiitnaamiis.

Ardayda Seattle waxa ay ku xidhiidhi karaan madasha Laybareeriga spl.org/VirtualTutoring si ay u galaan Tutor.com 3000 ee macalin si amaan ah oo badbaado ah fasalooda onlineka ah. Tutors waxa ay ka caawisaa da'yarta layliska dugsiga, diyaar garawga imtixaanka iyo tobobarka waxbarashada ee mawduucyada sida xisaabta, qoraalka, sayniska, taariikhda, luuqadaha qalaad, arjiyada kuuliyada iyo qoraalka, duruusta Meelaynta Sare (Advanced Placement, AP) iyo kuwa kale oo badan.

"Adeega waxaa lasiin karaa caruurta iyo dhawr iyo toban jirada Seattle ee ay ku adkaatay waxbarashada onlineka ahi si ay uga helaan macalin kaligood uga jawaaba baahidooda waxbarashada iyo guusha," ayay tidhi Ayan Adem, oo ku jirta barnaamijka Guusha Ardayga K-5 (K-5 Student Success) oo maamule ka ah laybareeriga. "Waxa aanu si gaar ah ugu faraxsanahay heerka ciyaarta dhalinyarta ee u baahan taageerada dheeraadka ah, sida ardayda luuqada Ingiriisiga."

 

SI AAD UGA GASHO FASALKA MAQAL IYO MUUQAALKA AH LAYBAREERIGA

Si aad u gasho Tutor.com oo ku jira The Seattle Public Library, waxa aad qabataa spl.org/VirtualTutoring oo waxa aad ku gashaa lambarka Linkiga Laybareeriga ama kaadhkaaga Laybareeriga iyo PIN (lambarka aqoonsiga shakhsi ahaaneed) si aad u dalbato macalin.

Waxa aad ku xidhmi kartaa macalimiinta maqal iyo muuqaalka ah todoba maalmood todobaadkii laga bilaabo 2 duhurnimo ilaa 10 habeenimo Ingiriisiga. Khayraadka Tutor.com ee qaar waxaa la heli karaa 24 saacadood maalintii.

 

SIDA LOO GALO LINKIGA LAYBAREERIGA

Wixii arday ah ee ku jira Dugsiyada Shacabka Seattle (Seattle Public Schools) waxay geli karaa khayraadka dhijitaalka ah ee Laybreeriga, oo uu ku jiro Tutor.com, iyaga oo isticmaalaya lambarka aqoonsiga ardayda ee Dugsiyada Shacabka Seattle. Qabo spl.org/LibraryLink si aad qaabka u ogaato.

Hadii aad u baahato in lagaa caawiyo inaad gasho Linkiga Laybareeriga, waxa aad la xidhiidhaa khadka Na Waydii ee Laybeeeriga ee lambarkiisu yahay 206-386-4636, ama online ahaan spl.org/Ask. Waxa aad sidoo kale la xidhiidhi kartaa shaqaalaha laybareeriga dugsigaaga.

WIXII MACLUUMAAD DHEERAAD AH

Marka laga tago wax dhigista dugsiga, Tutor.com waxa ay bixisaa adeega qiimaynta qoraalka; kadis lagu baranayo imtixaanka AP iyo duruusta; duruus muuqaal ah oo mawduucyo kala duwan ah; u diyaar garawga imtixaanka sida ACT/SAT iyo GED; Barashada Microsoft Office; iyo, kaalmada dadka shaqo doonka ah, kaalmada arjiyada shaqada.

Laybareerigu waxa uu ku caawiyaa caruurta iyo dhalinyarta isaga oo siinaya fursado ay ku hormarinayaan oo ay ku baranayaan khayraadka waxbarashada, fasalada iyo kaalmada shaqaalaha. Laybareerigu waxa uu bixiyaa khayraad waxbarashada online ah oo kale oo boga Guusha Ardayga (Student Success) ah, kuwaas oo tobonaan khayraad oo bilaash ah oo fasal kasta ah ku jiraan: kahor K ilaa fasalka 2, fasalada 3 ilaa 5, dugsiga dhexe iyo dugsiga sare.

Tutor.com, adeega The Princeton Review, waxaa weeye adeega waxbarashada caalamka ugu balaadhan ee online ahaan ugu qiimaynta badan. Tutor.com waxa uu kala shaqeeyaa laybareeriga shacabka, dugsiyada K-12, iyo kuuliyada iyo jawaamacaha, iyo sidoo kale hay'ada ganacsi iyo hay'adaha samo falka oo dhan inay si siman u helaan taageerada waxbarashada waxku oolka ah. Tutor.com waxa la sameeyay 1998 oo waxaanu u shaqeeyay ku dhawaad 19 milyan si foolka-fool ah, madalo bar u dhigis online ah.